Mourinho oo Man Utd Lasii Joogaya Ilaa 2020

Jose Mourinho

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa kordhiyay qandaraaska uu kula joogo kooxdiisa, kaasoo uu gaarsiiyay ilaa sanadka 2020-ka.

Macalinkan 54-jirka ah ayaa heshiiskiisii hore ee Manchester United wuxuu ku ekaa sanadka 2019-ka.

Mourinho, ayaa qabtay xilka tababaranimo ee kooxda Manchester sanadki 2016- markaas oo uu kala wareegay macalinki hore Louis van Gaal. Tan iyo xilligaas wuxuu la qaaday laba koob, EFL Cup iyo koobka Europa League.