Madaxweyne Farmaajo oo Gaaray Gaalkacyo

Farmaajo oo Gaalkacyo lagu soo dhaweeyey

Farmaajo oo Gaalkacyo lagu soo dhaweeyey

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay ka taliyaan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu tago deeggaanada Galmudug, gaar ahaan degmada Cadaado iyo waliba magaalada Dhusamareeb.

Farmaajo ayaa soo dhameystay safar uu ku kala bixiyay deeggaanada Puntland. Weriyaha VOA Galkayo Abdiwahid Macalin ayaa warkan kasoo diray Gaalkacyo.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkaan ka dhageyso warbixinta uu Cabdiwaxid Macalim kasoo diray Galkacyo