Madaxweyne Farmaajo: "Hindiya Waxay Sii Deysay Boqollaal Maxaabiis Soomaali ah"

Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo), oo maalmahan Puntland ku marayay safarkiisii ugu dheeraa ee dhinaca dhulka ah oo uu dhulka Soomaaliya ku maro tan iyo intii madaxweynaha loo doortay, ayaa ku suggan magaalada Boosaaso, isagoo maanta dhagax dhigay waddooyin isku xira gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in boqollaal maxaabiis Soomaali ah oo ku xirnaa dalka India badankood la sii daayay, ayna sugayaan dayuuraddii u soo qaadi laheyd Soomaaliya.

Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan Boosaaso ka soo dirtay.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Madaxweyne Farmaajo oo sheegey in maxaabiis India laga sii dayay