Ciidamada Somaliland oo Qabsaday Tukarraq

Wasiirka warfaafinta Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-Barwaaqo), ayaa ka hadlay isku-dhaca ciidan ee Isniinti ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ku dhex-maray deegaanka Tukorraq ee jidka u dhaxeeya Laascaanood iyo Garoowe.

Wasiirku wuxuu maamulka Puntland ku eedeeyay inay qaadeen tallaabooyin uu sheegay inay kicin kaga bilaabeen deegaannadaas. Wasiirka warfaafinta oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa waxa warbixintan ka soo diray wariyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye.

Your browser doesn’t support HTML5

Somaliland oo weerartay Tukarraq

Dhinaca kale, madaxtooyada Puntland oo war saxaafadeed kasoo weerartay xaaladdda Tukarraq ayaa sheegtay in degaankaas ay soo weerareen ciidamada Somaliland si loo carqaladeeyo booqashada madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay magaalada Garoowe, sida lagu sheegeya war saxaafadeedkaasi.

Puntland ayaa ku sheegtay inaanay mas’uul ka noqon doonin cawaaqib xumada ka dhalan karta duulaankaasi, waa sida lagu qoray war saxaafadeedkaasi kasoo baxay maamul goboleedka Puntland.

Dhagaystayaal, waxana isku daynay inaan helno dhinaca mas’uuliyiinta Puntland si aan wax uga weydiino xaaladda Tukarraq, balse illaa iyo haddan nooma suurtogelin, marka ugu horraysa ee ay dhacdana, waan idiin soo gudbinaynaa.