Wasiir Juxa: Waan soo aragnay derbiga ay Kenya dhiseyso

Wafdi ka socday dawladda Soomaaliya oo isugu jira wasiirro, saraakiisha socdaalka oo heer federaal ah iyo kuwa maamullada gobolka ayaa Isniintii booqday magaalada Beled Xaawo, Gedo, oo u dhow xudduudda Soomaaliya ay la leedahay Kenya.

Wafdigan ayaa u kuur galayay walaaca ay qabaan dadka qaar ee ku aaddan in Kenya ay derbi ka dhiseyso xadka labada dal, islamarkasina uu derbigaasi uu soo galay gudaha Soomaaliya.

Haddaba, wafdigaasi oo uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha gudaha iyo federaaleynta Cabdi Faarax Juxa waxay haatan kusoo laabteen magaalada Doolow. Haaruun Macruuf ayaa khadka telefoonka ku waraystay wasiirka, waxaana uu weydiiyey wixii ay soo arkeen?

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso wasiir Juxa