Wasaaradda Isboortiga oo Qorsheyneysa in ay Muqdisho keento xulalka Jabuti iyo Sudan
Garoonka Kubadda Cakta Banadir
WASHINGTON. D.C —
Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta sheegtay in wasaaraddeedu ay qaban-qaabineyso in magaalada Muqdisho ay ku marti-geliso xulalka waddamo dibadda ah oo ay Djibouti iyo Suudaan kamid yihiin.
Dhinaca kalena waxaa Muqdishu ka socda ciyaaraha maamul goboleedyada. Wasiirka ayaa beenisay warar maanta la isla dhex marayay oo sheegayay in albaabka garoonka kubadda cagta Banaadir ee ay ciyaaraha maamul-goboleedyadu ka socdaan laga soo saaray walxaha qarxa.
Jacfar Kuukaay ayey ugu warrantay khadka telefoonka ee Muqdisho.