Shabaab isku dhiibay maamulka Koonfur Galbeed

Shabaab

Maleeshiyo ka tiran ururka Al-Shabaab oo aad u hubeysan watana gaari kuwa dagaalka ayaa maanta isu soo dhiibay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku suggan degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in maleeshiyada isa soo dhiibay ay gaarayaan dhowr iyo labaatan, inkastoo ay saraakiisha ka gaabsadeen inay ka hadlaan tirada.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa arrintan wax ka weydiiyay Wasiirka ammaanka ee Koonfur Galbeed, Xassan Xuseen.

Your browser doesn’t support HTML5

Halkaan ka dhageyso wareysiga Xasan Xuseen