Madaxweyne Siilaanyo oo Ethiopia Booqday

Siilaanyo

Toddobaadkan ayaa wefti uu hoggaaminayo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu magaalada Addis Ababa kulan la yeeshay Ra'iisal-Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxaana xukuumadda Somaliland sheegtay in waxyaabihii laga wada hadlay ay ka mid ahayd u fududeynta xadka labada dhinac ee dadka codbixiyayaasha ah, maadaama maalinta berri ah ah guud ahaan Somaliland looga dareerayo codaynta doorashada madaxtooyada. Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire oo shir-jaraa'id maanta ku qabtay Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay socdaalkii Ethiopia.

Dhinaca doorashadana, taliyayaasha ciidanka Amniga Somaliland ayaa sheegay inan wax walaac ah ka jirin dhinaca amniga, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan saddexda musharrax kan ku guulaysta tartanka madaxtinnimada.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Booqashada Siilaanyo