Somaliland oo diyaarineysa shaqaalaha doorahada

Musharrixiinta madaxtinimada Somaliland

Iyadoo saddex maalmood ay ka hadhay doorashada madaxtooyada Somaliland, ayaa guddida doorashadu waxay shaqaalaha iyo agabkii doorashada ay u kala rareen goobaha codaynta ee gobollada.

Afhayeenka guddidaas Siciid Cali Muuse ayaa VOA u sheegay in in ka badan dhawr iyo toban kun oo qof ay ka shaqaynayaan, kuwaas oo isugu jira ardayda jaamacadaha, ciidamada amniga iyo hawlwadeenno kale.

Afhayeenka oo u waramay weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa ugu horrayn ka hadlaya meelaha ay u kala direen shaqaalaha iyo agabka.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysiga Saciid Cali Muuse