Farmaajo oo Uganda u Socdaalay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u kicitimay dalka Uganda oo ah dalka ciidamada ugu tirada badan ee AMISOM ay Soomaaliya ka joogaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safarkiisan ee dalkaasi uu imanayaa maalin kadib markii uu cidamada u sheegay inay dawladdu dagaal qaadayso.

Taliyaha cusub ee ciidamada Soomaaliya Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod) ayaa garoonka diyaaradaha kula hadlay saxaafadda kana warbixiyey safarka madaxweynaha.