Faahfaahin ku saabsan duqeyntii deegaanka Taraka

Gedo, Somalia

Sidii aad ku maqasheen idaacaddeennii shalay, duqayn ayaa ka dhacday deegaanka Taraka oo galbeedka ka xiga magaalada Baardheere, ee gobolka Gedo.

Waxaa duqqayntaais ku dhintay ugu yaraan hal qof afar kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka deegaanka ayaa duqyanta ku eedeeyey diyaaradaha ciidamada Kenya, waxayna dhacday waxyar kadib markii ciidamada Kenya ay ka baxeen deegaanka Taraka.

Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa xaaladda dadka waxyeelladu soo gaadhay oo la keenay Baardheere ka waraystay Dr. Sharmarke Nuur oo ka hawlgala cisbitaalka Baardheere.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Duqeyn ka dhacdey Gedo