Monaco oo Dul Istaagtay PSG

Radamel Falcao

Laba kulan oo ka tirsan horyaalka dalka France ee Ligue 1 ayaa xalay dhacay, iyadoo kooxda difaacanaysa horyaalnimada ee Monaco ay guul weyn soo hooysay.

Monaco waxay 4-0 ku tuntay kooxda Lille oo ay marti ugu aheyd magaalada Lille ee waqooyi dalka Faransiiska. Waxaa ciyaarti xalay mar kale kasoo iftiimay gooldhaliyaha caanka ah ee reer Colombia Radamel Falcao oo saxiixay laba ka mid ah goolasha.

Wuxuu hadda marayaa goolkiisii 11-aad todobo kulan oo ka tirsan horyaalka oo uu ciyaaray. Goolasha kalana waxaa kala qeybsaday Stevan Jovetic oo lahaa goolkii furitaanka. Wuxuuna ahaa goolkiisii ugu horreeyay ee uu Monaco u dhaliyo tan iyo marki uu kaga soo biiray kooxda Inter Milan xagaagi. Goolka afraad waxaa dhaliyay Rachid Ghezzal.

Guushaasi ayaa ka dhigeysa in Monaco ay hadda horyaalka la hogaamineyso kooxda PSG, inkastoo farqiga goolasha ay PSG kaga horreyso. Labaduba waxay wada leeyihiin min 18 dhibcood.

Hadii Paris St-Germain (PSG) ay badiso kulanka Sabtida burrito ay la dheeli doonto Montpellier, waxay markaasi kali ku noqon doontaa hogaanka.

Ciyaar kale oo xiisa laheyd ayaa waxay xalay dhexmartay Nice iyo Angers. Waxaana natiijadu ay ku idlaatay 2-2.

Mario Balotelli ayaa gool rigoore ahaa u dhaliyay Nice, halka goolka kale ee Nice ay heshay uu iska dhaliyay Ismael Traore oo u safta Angers. Goolasha Angers waxaa u keenay Mateo Pavlovic iyo Karl Toko Ekambi.