Ciidamo ku Dagaallamay Muqdisho oo ay Lix Qof Ku Dhimatay

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhimatay, siddeed kalena wey ku dhaawacmeen isku dhac saakay magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamo kawada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Isku dhacay ayaa yimid ka dib markii sida la sheegay ay ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugidda tageen xarrun ay militeriga ku leeyihiin deegaankaa loo yaqaan Haanta Dheer ee Jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Wariyeheenna Xassn Kaafi Qoyste ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Iska hor imaadka Muqdisho ka dhacay