Wareysi: Senator Xuseen Xaaji oo Baabuurkiisa la Weeraray

Jidadka Muqdisho

Koox hubeysan oo gaari yar wadatay ayaa maanta weerar ku qaaday baabuur uu leeyahay Senator ka tirsan aqalka sare ee dowladda Soomaaliya.

Weerarkan oo ka dhacay degmada Hodan agagaarka Isbitaalka Masaarida, ayaa dableyda fulisay waxa ay gaarigooda ku hor gooyeen midka Senator Xuseen Cali Xaaji iyagoo rasaasna huwiyay.

Weerarka waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo gaariga saarneyd. Jacfar Kuukay ayaa mudanaha ka tirsan aqalka sare ee baabuurkiisa la weeraray ka wareystay, sida ay wax u dheceen.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: senator Xuseen Xaaji