Gobolka Banaadir oo Shaqaaleynaya 1000 Dhallinyaro

Thaabit

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay maanta daahfureen barnaamij illaa 1000 qof oo dhalinyaro ah lagu shaqaalaynayo.

Barnaamijkan ayaa waxaa maalgelinaya Ururka Midawga Yurub, sida uu sheegay guddoomiyaha.

Dhallinyarada ka qaybqaadanaysa barnaamijkan shaqaalaynta waxaa si siman loo siin doonaa mushahar go’an oo gaaraya $150 qof walba.

Haddaba Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa barnaamijkan uga waramay Ismaaciil Xuseen Farjar.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Guddoomiye Thaabit