Muqdisho: Shirkii Arrimaha Qaxootiga oo Lasoo Xiray

Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa maanta soo xiray shirweyne looga hadlayay arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha, kaasoo 3-dii maalmood ee ugu dambeysay ka soconayay magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana ka soo qeyb galay xubno matalayay dowlad goboleedyada dalka ka jira, qaxooti Soomaaliyeed oo ka soo laabtay dalka dibadidiisa iyo kuwa ku barakacay gudaha dalka.

Shirkan ayaa laga soo saaray war murtiyeed ay dulucdiisa ugu muhiimsan tahay sidii looga gudbi lahaa arrimaha qaxootinimada, miisaaniyad u gaar ahna loogu sameyn lahaa qaxootiga iminka jira iyo kuwa barakacayaasha ah.

Warbixintaan waxaa Muqdisho ka soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Xasan Kaafi Qoyste