Barcelona oo heshiis ka gaartay saxiixa Paulinho

  • Ahmed Ali Sheikh

Paulinho

Barcelona ayaa waxa ay kooxda Guangzhou Evergrande ee dalaka Shiinaha la gaartay heshiis ay qad dhexle Paulinho kula wareegeyso 40 milyan oo euro, waxaa sidaas maanta shaacisay kooxda Spanish-ka.

29 jirkan ayaa saxiixi doona heshiis afar sano ah, oo uu raacsan yahay heshiis nasakh dhan 12 milyan oo Euro, ayada oo la filayo inuu tijaabo caafimaad maro maalinta khamiista.

Paulinho ayaa noqonaya saxiixii koowaad ee kooxda Barcelona ay sameyso, tan iyo markii ay cayaaryahan Neymar kaga iibisay kooxda PSG 222 milyan oo Euro.

Paulinho ayaa horey ugu soo fashilmay kooxda Tottenham ee horyalaka Premier League kadib markii uu kasoo tagay kooxda Corinthians ee dalka Brazil, waxaana sanaddii 2015 laga iibiyey kooxda Guangzhou Evergrande.

Intii uu ka cayaarayey horyaalka Shiinaha ayaa Paulinho waxa uu dhaliyey 25 gool, 95 kulan oo uu saftay.