Booliis Isku-dhaf ah Galkacyo oo laga Sameynayo

Gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya waxa uu ka mid yahay gobolada ay ku soo nonoqdaan dagaalo beeleedyada iyo khilaafaadka dhinaca dhulka.

Magaalada Gaalkacyo oo u kala qeybsan koonfur iyo Waqooyi oo ay kala maamulaan Puntland iyo Galmudug, waxaa weli xirran qaar ka mid ah jidadka isku xira labada dhinaca ee magaalada, ka dib dagaal 2016kii ka dhacay.

Haatan waxaa socda dadaal ciidamo isku dhaf ah oo boolis ah loogu sameynayo magaalada, kuwaas oo ay heshiis ku yihiim madaxda labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Wariyeheenna Gaalkacyo Cabdiwaaxid Macalin Isaaq, ayaa arrintan ka wareystay, Maxamud Cilmi Maxamud oo ka mid ah saraakiisha loo xil saaray dhismaha ciidankaa.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Isku dhafka Booliiska