Culimada Somaliland oo ka Hadlay Muranka Kaniisadda

Somaliland President

Xubno ka mid ah culimada Somaliland ayaa baaq ka soo saaray Kiniisad la sheegay in dayactir lagu sameeyay oo ku taalla magaalada Hargeysa.

Culimada ayaa xukuumadda u soo jeediyey talooyin ku saabsan habka loo wajahayo kaniisaddaas oo ay sheegeen in aanay bannaanayn dib-u-dayactirkeedu. Waxay shacabka ugu baaqeen inay ilaaliyaan midnimada iyo xasiloonida dalka.

Culimadan oo xalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, kana mid ahaayeen Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Cali Maxamed Geeddi, Sheekh Xasan Cabdisalaan iyo culimo kale, ayaa weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye markii uu shirkaa-jaraa'id dhammaaday wuxuu baaqan ka waraystay Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg).

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinta Kaniisada Hargeysa