Wafti ka Socda Somalia oo Wada-hadal u Jooga India

Waftiga Somalia oo la kulmay madaxda India

Dalka India waxaa booqasho shan maalmood ah ku jooga wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo uu hogaanimayo wasiirka arrimaha dibadda Yuusuf Garaad Cumar.

Kulammo ay wafdiga la yeesheen madaxda India oo ay ka mid tahay wasiirka arrimaha dibadda ee India Sushma Swaraj ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka badda, burcad badeedda iyo sii deynta maxaabiis Soomaali ah oo boqol ka badan oo xabsiyada dalkaasi ku xiran.

Wariyeheenna Maxamed Colaad Xassan ayaa arrintan ka wareystay Danjiraha Soomaaliya ee New Delhi, Ebyan Maxamed Saalax (Ebyan Ladane).

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Danjire Ebyan Ladane