Xulufada Sacuudiga oo Lagu Eedeeyey Weerarkii Soomaalida Yemen

Guddi baarayaal ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyey isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo ee ka dagaalama Yemen inay ka masuul ahaayeen weerarkii bishii March ka dhacay xeebaha Yemen ee lagu dilay muhaajiriinta Soomaalida ah.

Warbixintan oo aan weli la shaacin, oo ay aragtay Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaan si cad u sheegin dalalka sida gaarka ah masuulka uga ahaa weerarkan.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa warbixintan ay qortay wakaaladda Wararka Reuters ka waraystay Jaamac Ismaaciil Nuur oo bartay Siyaasadda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah, kuna sugan London.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Jaamac Ismaaciil Nuur