Wasiirka Difaaca oo ka Hadlay iska Horimaadkii Ciidamada

Cabdirashiid

Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhimatay isku dhac maanta ciidamada amniga ee dawladda Soomaaliya ku dhex maray magaalada Muqdishe ee caasimada Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiga dowladda Federalka ee Somalia Cabdirashiid Cabdulaahi Maxamed ayaa sheegay in isku dhacaasi uu ahaa shil dhacay.

Wasiirka ayaa sheegay inay dowlada u qabatey guddi gaar ah arrinkaan, kuwaasoo soo dhiraandhirin doono sida ay wax u dhaceen iyo xaalada guud ee arrinkan.

Sahra Cabdi Axmed ayuu khadka telefoonka ugu waramay Wasiirka Gaashaandhiga Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed isagoo ku sugan magaalada Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Wasiirka Gaashaandhiga