Biyaha Badda oo ku soo Fatahay Caluula

Map of Alula, Somalia

Wararka ka imanaya magaalo xeebeedda Caluula ee gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in biyihii badda ay ku fataheen magaaladaas.

Guddoomiyaha degmada Caluula, Cali-Shire Maxamuud Cismaan, ayaa VOA u sheegay in biyaha ay qaadeen ka badan 100 guri iyo goobo ganacsi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in bar ka mid ah magaalada oo idil ay biyaha saameeyeen, islamarkaana ay sameeyeen gurmad ay u fidiyeen dadka ay biyuhu saameeyeen.

Ismaaciil Xuseen ayaa wareystay Cali-Shire Maxamuud Cismaan.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Guddoomiyaha Caluula