Dad ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Galgaduud

dagaal

Goobjoogayaal ku sugan bartamaha Somalia ayaa sheegaya in dagaallo culus ay deeggaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ku dhexmareen ciidamo ka tirsan ururka Ahlu-Sunna iyo dadka deegaanka.

10 qof ayaaa dhintay, tiro kalena way dhaawacmeen dagaalka, sida ay sheegeen dad goobjoogeyaal.

Maamulka Galmudug- ayaa dagaalladan ku eedeyay inay ka danbeeyaan ururka Ahlu-Sunan Wal-Jamaaca ee ka taliya Dhuusa-mareeb.

Warbixintan waxaa Gaalkacyo ka soo diray weriyaha VOA Cabdiwaaxid Macalin Isaaq.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Cabdiwaaxid Macallin