Cilmi-baaris la Xiriirta Dastuurka oo laga Sameeyey Somalia

Heritage

Hey’adda cilmi baarista ee Heritage ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigtay ra’yi baaris ay ku sameysay qaar ka mid ah dadka ku nool shan magaalo oo waa weyn oo Soomaaliya ku yaalla. taasoo ay wax kaga weydiineysay arragtida ay ka qabaan dastuurka Soomaaliya.

Hey’du waxey sheegtay in aragtiyada muwaadiniinta Soomaaliyeed aan si ku fillan loogu dabaqin dastuurka oo badanaa siyaasiyiinta laga talogeliyay, dadkuna ay aragtiyo kala duwan oo u badan kuwa dhinaca wanaagsan wax ka arka ay ka qabaan.

Wariyeheenna Jamaal Axmed Cusmaan ayaa ra’yi ururintan ka wareystay, madaxa hey’adda heritage Cabdirashiid Khaliif oo ku suggan magaalada Muqdisho.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Cabdirashiid Khaliif