Diyaarado Duqeyn ka Geystay Jubbada Hoose

Diyaarado dagaal ayaa duqeeyey saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Golashumbi oo 50km dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Duqeynta ayaa la sheegay inay fuliyeen ciidamo Soomaali ah iyo kuwa ajnabi ah, oo watay diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Ilo-wareedyo deeganaka ah, ayaa sheegaya in duqeyntaasi lagu dilay afar ka tirsan maleeshiyaadkii Al -Shabaab ee ku sugnaa saldhiga la weeraray.

Saraakiisha ciidamada SNA ee magaalada Kismaayo, oo ay VOA la xiriirtay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan duqeynta xalay lagu qaaday saldhiga Al-Shabaab ee deegaanka Golashumbi.

Jaamac Buulle Jaamac ayaa duqyantan ka waraystay madaxwyene Ku Xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Maxamuud Sayid Aadan