Baarlamanka Puntland oo Kalsoonida Kala Laabtay Wasiirada

Cabdi Weli Gaas

Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa maanta u codeeyey mooshin kalsoonida kala laabanaya golaha wasiirrada ee maamul goboleedkaasi.

Kulankii maanta ayaa waxaa fadhiyey 57 xubnood, waxaana kalsooni kala noqoshada wasiirada ogolaaday 47 xildhibaan, waxaana diiday hal xildhibaan, halka sagaal ay ka aamuseen.

Baarlamanka ayaa ku eedeeyey xukuumadda wax qabad la’aan.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isagu sheegay inuu soo dhisi doono dawlad cusub.

Warbixintan waxaa Garoowe kasoo diray Nuux Muuse Birjeeb.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Nuux Muuse Birjeeb