Farmaajo oo Furay Kalfadhigga Aqalka Sare

Farmaajo

Kalfadhigga labaad ee xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaiya, ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha, ra’iisal wasaaraha, iyo madax kale ayaa ka qayb galaly kulankaasi.

Madaxweyne Farmaajo oo furay kal-fadhiga 2aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka, ayaa ugu baaqay mudanayaasha in ay ka mari dhaliyaan himilooyinka shacabka ay wakiilka ka yihiin, ayna kaalin mug leh ka qaataan dib-u-hanashada sharafta iyo qarannimada Soomaaliya.

Madaxaweynaha ayaa kula dardaarmay labada Gole ee Baarlamaaka Jamhuuriyadda in ay xoojiyaan xiriirkooda, ayna adkeeyaan wada shaqaynta ka dhexeeysa labada gole sida ku cad Qodobka 56aad ee Dastuurka Ku meel Gaarka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Warbixintan waxaa muqdiso ka soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Xasan Kaafi Qoyste