Dagaal Culus oo ka Dhacay Gedo

Shabaab

Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Birta Dheer oo 20 KM dhinac Buurdhuubo kaga beegan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Taliyaha guutadda 9-aad ee ciidamada dowlada federaalka, Gaashaanle Dhexe Maxamed Cabdow Cali ayaa sheegay inay duulaan qaadeen kadib marki ay ogaadeen in ay halkaas ku sugan yihiin xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliyahu waxaa uu sheegay in khasaaraha ciidankooda soo gaarey ay yihiin 3 dhimasho ah iyo 4 askari oo ka dhaawacmey.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay ka dileen 14 maleeshiyo, islamarkaana ay dhaawaceen 17 kale.

Gaanshaanle Dhexe Maxamed Cabdow Cali ayaa sheegay in hadda ciidamadoodu ay ku sugan yihiin halkii lagu dagaalamay.

Jaamac Buulle ayaa wareystay Gaanshaanle Dhexe Maxamed Cabdow Cali.

Your browser doesn’t support HTML5

Dagaal ka dhacay Gedo