Laba Qarax oo ka Dhacay Muqdisho

Qarax (Sawir hore)

Laba qarax oo loo adeegsaday miinooyin kuwaasi oo mid lala eegtay gaadiidka AMISOM kan kalena baabuur ay la socdeen xubno ka tirsan milatariga dawladda, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dawladda ayaa dhintay mid kalena wuu dhaawacmay kadib markii qarax loogu xiray baabuur ay la socdeen agagaarka isgoyska EX-Kontorool ee Afgooye.

Falastiin Axmed Iimaan ayaa weerarkan ka waraysatay weriyahayaga Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Your browser doesn’t support HTML5

Qaraxyo ka dhacay Muqdisho