Sh/Dhexe: Qarax Lagu Dilay Saddex Askari

Ciidamada dowladda

Qarax miino kuwa dhulka la galiyo ah ayaa lagu dilay 3 askarta dowladda Soomaaliya ka tirsan, deegaan ilaa 8 Km dhinaca waqooyi ka xiga degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada qaraxa loo dhigay oo saarnaa gaariga kuwa dagaalka ah, ayaa kusii jeeday magaalada Jowhar ee xaruunta gobalka, sida ay VOA u sheegeen ilo deegaanka ah.

Qaraxa kadib ayaa dagaal muddo kooban socday waxa uu meel u dhow degaanka Qalimow, ku dhex maray ciidamada dowladda iyo rag loo maleenayo in ay Al-Shabaab ka tirsan yihiin.

Ma jiro wax war ah oo ay saraakiisha dowladda ka soo saareen weerarka maanta.