Wareysi: Haweeneyda Kaliya ee ka Kalluumeysata Seylac

Muumina Faarax Geelle oo ah haweenay Kalluumaysato ah oo in ka badan 20 sanadood ka shaqaynaysay badda magaalada Seylac ayaa VOA da uga warantay mudadii ay shaqadan kalluumaysiga ku soo jirtay, sidii ay ku baratay Wadista Doonyaha Kalluumaysiga iyo suuqa ay u iib gaysao Kalluunka ay Badda ka soo saarto.

Muumina ayaa sheegtay in ay tahay haweenayda kaliya ee kalluunka ka soo jilaabata badda Seylac, waxaana ay tilmaantay in ay ku fikirto sidii ay haween kale ugu tababari lahayd Kalluumaysiga balse qalabka ay haysato iyo adeegyada fududeeya hawsha oo ku yar aawadeed aanay taasi u suuro galin.

Haweenaydan Kalluumaysatada ah ayaa iyadoo ku sugan magaalada Seylac Khadka Telephone ka ugu waran tay wariyaha VOA da ee Boorama Haashim Sheekh Cumar Good.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Muumina Faarax Geelle