Shirka Wadatashiga Dib u Heshiisiinta oo ka Furmay Muqdisho

Shir loogu magac daray shirweynaha wadatashiga hannaanka dib u heshiisiinta oo ay soo qaban qaabisay wasaarada federaalka iyo arrimaha gudaha ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Shirweynahan ayaa socon doona muddo shan maalmood ah, waxaana ka qeyb-galaya wufuud ka kala socota gobollada dalka Soomaaliya.

Shirkan ayaa la doonayaa in lagu dejiyo qorshe ku saabsan habka ugu wanaagsan ee dib u heshiisiin buuxda looga hir-gelin karo dalka Soomaaliya, sida ay sheegeen qaban-qaabiyayaasha.

Faahfaahinta warkan waxaa Muqdisho ka soo diray Axmed Xasan Colaad.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Axmed Xasan Colaad