Al-Shabab oo Noqotay Ururka Ugu Dilalka Badan Afrika

Shabaab

Ururka Al-Shabab ayaa la sheegay inuu xilligan kaga horreeyo ururrada Boko Haram iyo Daacish marka ay noqoto dadka ku dhinta gacan ka hadalka iyo dagaalka ay wadaan.

Warbxiintan uu qoray wargayska Newsweek ayaa lagu sheegay in sanadkii hore gacanta Al-Shabab ay ku dhinteen 4,281 halka gacanta Boko Harama ay ku dhinteen 3,499, ururka Daacish-na 2350.

Haddaba Falastiin Axmed Iimaan ayaa arrimahan ka waraysatay Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo madaxa Machadka Daraasaadka Amniga iyo Istiraatijiyada oo ku sugan Gobolka North Carolina.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Korneel Cabdullaahi Cali Macow