Abaalmarin Caalami ah oo la Siiyay Dr.Xaawa Cabdi

Dr.Xaawa Cabdi

Dr. Xaawo Cabdi Dhiblaawe iyo labadeeda gabdhood oo Tobonaan sano kasoo shaqeeyey gargaarka Somalia, iyada oo xaruun ay daganyihiin boqolaal barakacayaal ah ka furtey banaanka Muqdisho, ayaa ka heshey shahaado Sharafeed mid ka mid ah jaamacadaha ugu sareeyo Caalamka ee ku taalo Mareykanka.

Jaamacadda Harvard ayaa shahaado sharaftan ku aqoonsatey waxqabadkii Xaawo Cabdi iyo 9 qof oo kale oo ku guuleystey kuwaasoo uu ku jiro aasaasaha barta Facebook, Mark Zuckerberg, jilaayaal, Dhaqaatiir iyo dad u ololeeyo arrimaha samafalka.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhegayso: warbixin ku saabsan Abaalmarinta la siiyay Dr Xaawa Cabdi