Qarax ka Dhacay Qansaxdheere oo Dhaawacay 7 Qof

Baidoa, Somalia

Wararka ka imanaya magaalada Qansaxdheere ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax uu maanta ka dhacay halkaasi, islamarkaana uu dhaliyey dhaawaca dhowr qof.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in loola dan lahaa mid ka mid ah mas’uuliyiinta degmada oo Maqaayadda imaneyay.

Illaa toddoba qof ayaa lagu warramay inay ku dhaawacmeen qaraxaas, ayada oo laba ka mid ah ay yihiin mas’uuliyiinta deegaanka.

Falastiin Axmed Iimaan ayaa qaraxan ka waraystay Isaaq Cabdi Maxamuud, oo ah gudoomiyaha degmada Qansaxdheere.

Your browser doesn’t support HTML5

Qarax ka dhacay Qansaxdheere