15ka May oo Muqdisho Laga Xusay

Aas-aaska ururkii gobanimo doonka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL waxaa maanta laga joogaa 74sano waxaana maanta oo kale la xusaa maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo socod lugta ah ku tegay taalada SYL ayaa sheegay in ay tahay maalin ahmiyed weyn u leh dhalinyarada Soomaaliyeed ayna ahaayeen dhalinyaro dalka u horseeday madaxbanaani qarameed.

3O sano oo soomaaliya ay door wanaagsan ku lahayd aduunka gaar ahaan qaaradda afrika waxa uu Madaxweyne Farmaajo xusay in ay gundhig u ahaayeen 13kii dhalinyaro ee SYL.

Wariyeheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan inoo soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso Xuska 15ka May