Fanaanadda Sahra Mire Wehliye oo Geeriyootay

Tiyaatarka Soomaaliya

Allaha u naxariisto waxaa Magaalada Mbarara ee galbeedka dalka Uganda shalay ku geeeriyootay fanaanada Sahro Mire Weheliye oo ka mid ahayd fanaaniintii ciidanka asluubta Soomaaliyeed ee dowladdii Kacaanka.

Sahro Mire waxa ay ka mid ahayd fanaaniinta yar ee aan dalka ka bixin muddadii bur-burka, hase ahaatee waxa ay dhowrkii sano ee u dambeeyay qaxootii ku ahayd dalka Ugandha oo shalayna ku geeriyootay.

Haddaba Caasho Ibrahim ayaa warbixintan nooga diyaarisay geerida fanaanadda Sahro Mire Weheliye.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinta geerida Sahra Mire Wehliye