Shiinaha oo Burcad Badeed ku Wareejiyey Puntland 

Shiinaha oo Burcad badeed ku wareejiyey Puntland

Magaalada Boosaaso waxaa maanta kusoo xidhay saxiimado sida ciidamada dalka Shiinaha waxayna ku wareejiyen mas’uuuliyiinta Puntland saddex nin oo budhcad badeed ah oo lagu qabtay hawlgal dhicisoobay oo 8-deedii bishii hore ay burcad badeedu doonayeen inay ku afdbuubteen Markab sita calanka Lubnaan.

Saddexdaasi maxaabiista ah ayaa la sheegay inuu ku jiro nin lagu magacaabo Cabdikariim Saalax Aw Koombe oo la sheegay inuu ka mid yahay hoggaamiyayaasha burcad badeedda.

Ciidamada Shiinaha ayaa sidoo kale maamulka Puntland ku wareejiyey hubka ay siteen budhcad badeeddaasi ee ay u adeegsadeen weerarkaas.

Weriyaha VOA ee Boosaaso Faadumo Yaasin Jaamac ayaa Nuur Xasan Nuur uga warrantay arrintan.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Faadumo Yaasiin Jaamac