Wasiirka Waxbarashada oo u Jawaabay Al-Shabaab

arday

Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere oo cajalad maqal soo duubay ayaa shalay uga digay Waalidiinta in ilmahooda ay u diraan Iskuulada iyo Jaamacadaha aanan Islmaamiga aheyn.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo ka jawaabaya hadalka Al-Shabaab ayaa ugu baaqey inaysan waalidiinta dhegta u dhigin hadalka Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa sheegay in markii horeba iskuulada hoose ilaa sare lagu dhigi jirey waxbarashada Tarbiyada Islaamiga ah iyo luuqada carabiga ah taasoo meesha ka saareysa in Iskuulada lagu dhigto oo kaliya Manaahijta reer Galbeedka ay leeyhiin.

Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa Sahra Cabdi Axmed u waramay waxuuna ugu horeyntii ka jawabayaa aragtidooda ku aadan hadalka Al-Shabaab.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Wasiirka Waxbarashada