Suuqyada Hargeysa iyo Berbera oo Maanta Xirnaa

Derro Mall

Suuqyada waawayn ee magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ayaa maanta gebi ahaanba xidhnaa, kadib markii ganacsatadii suuqyadaasi ay sameeyeen shaqo joojin.

Ganacsatadan ayaa ka cabanaya hoos u dhac ku yimi lacagta Shilinka Somaliland iyo sicir-barar baahay, waxaanay sheegeen in sarrifka lacagta doollarku ay gaadhay halkii ugu sarraysay.

Dadka danyarta ah iyo shaqaalaha dawladda ayaa iyaguna sheegay inay si ba'an u saamaysay arrintani.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa booqday suuqyada la xidhay, waxaanu Hargeysa ka soo diray warbixintan.

Your browser doesn’t support HTML5

Warbixin: Barkhad Kaariye