Kabtan Laga Soo Badbaadiyey Burcad Badeedda oo la Hadlay VOA

Kabtanka doonta Al- Kausar oo ay soo afduubeen burcad badeedda Soomaalida ah ayaawaraysi gaar ah oo uu siiyey VOA ku sheegay inuu aad ugu faraxansan yahay in ugu dambayn ay soo furtaan ciidamada amniga ee Soomaaliya.

Waraysi gaar ah oo uu siiyey idaacadda VOA ayuu ku sheegay inuu qoyskiisa u sheegayo inuu aad ugu faraxsan yahay inay nabad qabaan isaga iyo toddoba kale oo ka mid ahaa shaqaalaha oo ay berriga gaysteen burcad badeedda soo afduubatay.

Waxa uu sheegay inuu berriga joogay sagaal maalmood. Waxa uu sheegay inaysan wax xadgudub ah u gaysan burcad badedda hase yeeshee aysan helin cunto iyo biyo ku filan.

Kabtanka oo lagu magacaabo Salim Cusmaan oo 31 jir ah waxa uu VOA u sheegay toddoba burcad badeed ah ay soo afduubteen doontiisa isaga oo kusii jeeday magaalada Boosaaso kana yimid magaalada Dubai.

Waxa uu VOA u sheegay in afduubkan uu yahay kii ugu horreeyey ee uu la kulmo muddo 13 sano ah oo uu imanayey xeebaha Soomaaliya.

Mar la weydiiyey sida ay burcad badeeddu ula macaamileen waxa uu sheegay inaan wax dhibaato ah loo gaysan hase yeeshee meesha kaynta ah ee ay ku jireen aysan ku heli jirin cunto iyo cabitaan mar walba.

Waxa uu sheegay inaysan waxba cunin muddo 3 maalmood ah isla markaana aysan wax cabin laba maalmood.

Maamulka degmada Hobyo ayaa sheegay inay soo qabteen afar ka tirsan burcad badeeedda, islamarkaana loo gudbin doono magaalada Gaalkacayo halkaasi oo maxkamad lagu saari doono.