10 Qof oo ku Dhintay Qarax ka Dhacay Sh/Hoose

Qarax

Ugu yaraan 10 Qof ay ku dhimatay qarax gaari caasi ah ku haleelay deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warka ayaa intaasi ku daraya in ugu yaraan 10 qof oo kale ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Gaariga ayaa ka soo baxay magaalada Buulamareer ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana uu ku soo socday magaalada Marka ee xarunta gobolka.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga gobolka Shabeellaha Hoose Cali Nuure ayaa VOA-da u sheegay in gaarigaas oo ay saaraayeen 21 qof uu darawalkii oo kaliya ka badbaaday, intii kalena ay qaar dhinteen qaarna dhaawac yihiin.

Wariyeheenna Jacfar Kukay ayuu u waramay.

Your browser doesn’t support HTML5

Qarax ka dhacay Sh/Hoose