Puntland: Maxkamad Go'aan ka Gaartay Kiiska Universal TV

Maxkamad ku taalla magaalada Garoowe ayaa ku ganaaxday telefiishanka Universal lacag dhan 2 kun oo dollar.

Maxkamad ayaan faahfaahin ka bixin sababaha ay u cuskatay ganaaxa, waxayse sidoo kale amartay in telefiishanka loo fasaxo inuu dib u hawlgallo.

Dhinaca kale, Faysal Khaliif Barre oo ah Guddoomiyaha ururka saxaafadda Puntland ee MAP ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan xukunka maxkamaddu gaadhay, wuxuuna tilmaamay inay tahay guul u soo hoyatay saxaafadda.

Go’aanka maxkamadda iyo wareysi Ismaaciil Xuseen Farjar la yeeshay Faysal Khaliif Barre, hoos ka dhageyso.

Your browser doesn’t support HTML5

Universal TV oo la Fasaxay