Somaliland oo ka Hadashay Tuhunno la Xiriira Afduubyo

Hargeysa

Dhawaanahan waxa magaalooyin ka mid ah Somaliland ka dhacayay falal la sheegay in da'yarta qaarkood dad aan la aqoonsani afduub kula kaceen.

Warbaahinta maxalliga ah qaarkood ayaa sidoo kale waxa ay baahiyeen in xubnaha bani'aadamka oo qaboojiye ku jira lagu qabtay dad watay.

Taliska guud ee Ciidamada Booliiska ayaa arrintaasi ka hadlay, waxaanay sheegeen in falalka loo tuhunsanaa arrimahaasi ee iyaga gaadhay ay ahaayeen 23 dhacdo, balse ay intooda badani noqdeen kuwo aan raad lahayn.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.

Your browser doesn’t support HTML5

Wareysi: Taliyaha Booliska Somaliland