Mooshin Laga Diyaariyey Shariif Xasan

Shariif Xasan

Qaar ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay saxiixeen, islamarkaana ay baarlamaanka u gudbinayaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanada ayaa sheegaya in madaxda uga sarreysa maamulka ay ku eedeynayaan waxqabad la’aan.

Xildhibaanada ayaa sheegay inay rajeynayaan in mooshinkan uu baarlamanka dood ka yeesho labaatanka bishan, ayaga oo guddoonka baarlamanka ugu baaqay inuu xildhibaanada u furo hoolka baarlamanka.

Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa gaaraya illaa 75 xildhibaan.

Warbixintan waxaa Baydhaba ka soo diray Mukhtar Maxamed Catoosh.

Your browser doesn’t support HTML5

Mooshin laga gudbiyey Shariif Xasan