Doorka Dhalinyarada Qurbaha ee Gurmadka Abaaraha

Sawirro: Abaaraha ka jira Geeska Africa

Dad ka badan 110 ruux ayaa lagu soo waramayaa in maalmihi lasoo dhaafay ay ku dhinteen abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Beesha Caalamka iyo dowladda cusub ee aan wali soo dhameystirmin ee Soomaaliya ayaa iyana ku dhawaaqdey masiibo qaran in ay tahay xaalada abaarta ee dalka ka jirta xiligan.

Wadamada qaar ee caalamka ayaa ku yaboohey gargaar cuno iyo mid dhaqaale si wax looga qabto abaarahan.

Qurbajoogta Soomaalida ayaa iyaguna wada olole ay lacaga isaga aruurinayaan. Mid ka mid ah ololahaasi waxaa baraha bulshada ay ku xiriirto ee dhinaca internetka ka wada dhalinyaro Soomaaliyeed oo qurbaha ku nool.

Warbixin arrintan ku saabsan waxaa inoo diyaarisay Falastin Ahmed Iman.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinta Gurmadka Abaaraha ee Dhalinyarada