Mareykanka: Isbedel Lagu Sameeyey Siyaasadda Masaafurinta

Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa dejisay siyaasado dhallin kara in malaayiin qof oo sharci darro ku jooga dalka Mareykanka la masaafuriyo.

Xoghayaha Waaxda Amniga Gudaha John Kelly ayaa talaadadii soo saaray tusmooyin ku saabsan sida waaxda ay u fulin doonto laba amar fulineed oo bishii tagtay uu soo saaray madaxweyne Donald Trump.

Siyaasadda maamulka madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa ahayd in masaafurinta diiradda lagu saaro dadka Mareykanka sida sharci darrada ah ku jooga ee gala dambiyada halista ah.

Si kastaba, Kelly ayaa beddelay siyaasaddaas, waxaana uu sheegay in muhiimadda la saari doono in la masaafuriyo qof kasta oo dambi gala, nooca uu doonaba ha ahaadee.

Siyaasadahan cusub waxba kama beddelayaan amaradii fulineed ee madaxweyne Obama ee ahaa inaan la masaafurin dadka sida sharci darrada ah usoo galay Mareykanka markii ay caruurta ahaayeen, iyo waalidiinta dhalay dadka haysta dhalashada ama degenaanshaha Mareykanka.

madaxweyne Trump ayaa ololaha doorashada ku galay inuu sugi doono amniga xuduudaha Mareykanka, islamarkaana masaafurin doono kuwa sharci darrada ku jooga dalka.