Qarax ka Dhacay Duleedka Beledweyne

Beledweyne

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax goor dhowayd ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa la sheegay in lala beegsaday maleeshiyo beeleed ka horjeedda ururka Al-Shabaab, in kastoo ilaa haatan cid sheegatay aysan jirin.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waa Degaanka Gambarlaawe oo dhinaca koonfur ka xigta Baledweyne ilaa 7 KM.

Warbixintan waxaa Beledweyne kasoo diray weriyaheena Xuseen Xasan Dhaqane.

Your browser doesn’t support HTML5

Qarax ka dhacay Beledweyne