Banaanbax Lagu taageeray Madaxweynaha Cusub oo Muqdisho Ka Dhacay

Banaanbax ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta mar kale ka dhacay banaan baxbalaarn oo uu soo abaabulay maamulka Gobolka Banaan oo lagu taageerayay madaxweynaha cusub ee Somalia ee la doortay Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Banaanbaxa ayaa intii uu socday waxaa madaxdii mataleysay shacabka muqdisho ee meesha ka hadashay ay weydiisteen madaxweynaha cusub, labada Aqal ee baarlamanka iyo madaxda kale ee iman doonta, in laga shaqeeyo sidii Magaalada Muqdisho ay matalaad ugu yeelan laheyd siyaasadda dalka, taasoo ay sheegeen inay horey u duudsiiyeen Madaxdii madasha ee maamul goboleedyada iyo dowladda Federalka.

Wariyeheenna Xassan Kaafi Cabdiraxman Qoyste ayaa warbxintan Muqdisho ka soo diray.

Your browser doesn’t support HTML5

Dhageyso warbixinta bannaanbaxa Muqdisho